Dadweynaha reer Mudug oo weerar ku qaaday Al-Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

  Dadweynaha reer Mudug oo weerar ku qaaday Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanada Caad iyo Camaara.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid, kaddib markii dadka deegaanka oo is abaabulay ay weerar ku qaadeen agagaarka deegaanka Caad oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kaddib markii cadaadis ay dadka deegaanka ku saareen Al-Shabaab inay ku soo wareejiyaan xoolaha geella oo muddooyinkii u dambeeyay ay Shabaabka dadka xoolo dhaqatada ka qaadayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay ka soo horjeedaan in xoolahooda lala wareego, isla markaana dhalinyaradooda la askareeyo.

Isgaarsiinta deegaanada Caad iyo Camaara ee lagu dagaalamayo ayaa ah mid adag, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu weli ka socda.

Dadka deegaanada Mudug iyo Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo la galay Al-Shabaab, iyadoo dagaaladaas salka ku hayeen Xoolaha Shabaabka u qaadaan Zakawaadka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!