Dadweynaha Crimea oo maanta u codeynaya iney ka ka go’aan dalka Ukraine * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dadweynaha Crimea oo maanta u codeynaya iney ka ka go’aan dalka Ukraine

Crimea – Mareeg.com: Dadka ku nool gobolka Crimea ee dalka Ukraine, hase ahaatee ay la wareegeen milteriga Raashiya ayaa maanta lagu qabanayaa cod bixin ay dadku kala dooranayaan iney ku biiraan dalweynaha Raashiya iyo iney qeyb ka sii ahaadaan dalka Ukraine.

U codeynta aayaha gobolka Crimea ayaa timid kadb markii dhawaan baarlamaanka gobolkaasi u goostay inay ka mid noqdaan Ruushka, waxaana qasab noqotay in arrintaas shacabka loo bandhigo si ay go’aan buuxa uga gaaraan.

Codbixintaan waxaa diidaan oo aan aqoonsaneyn dowladda dalka Ukraine oo aaminsan in gobolkaas uu ku qabsaday dalka Ruushku, waxaa sidoo kale diidan dalalka reer galbeedka oo Mareykanku hogaaminayo.

Codbixinta ayaa bilaabaneysa 8:00Am ee saacadda gobolka Crimea oo ku beegan 6:00 ee waqtiga Greenwich Mean Time, dhan kalana 9:00am ee saacadda bariga Afrika, waxeyna codbixintu socon doontaa 12 saacadood.

Waxaa xaq u leh iney codkooda dhiibtaaan ilaa 1.5 Milayn ruux, iyadoo dadka ku nool gobolkaas ay 58.5% kazoo jeedaan dalka Raashiya.

Waxaa la filayaa iney natiijada codbixintu soo baxdo wax yar kadib marka lasoo gebagebeeyo, waxaana loo badinayaa in loo codeyn doono in gobolka Crimea ku biro dalka Raashiya.

Dadka loo yaqaano Tatars ee Muslimiinta ah ayaa qaadacsan codbixintaan waxeyna sheegeen iney taageersan yihiin dowladda Ukraine ee ku sugan caasimadda dalkaas ee Kiev.

Faragelinta Raashiya ee gobolka Crimea ayaa yimid kadib markii mudaaharaadyo dhowr todobaad socday lagu riday 22 Febaraayo madaxweynihii hore ee Ukraine, Viktor Yanukovych, kaasoo saaxiib dhow lahaa dowladda Moscow.

Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin ayaa rumeysan in hogaanka dalka Ukraine ay la wareegeen maleeshiyooyin mayal adag, taas ayaana ah arrinta ku kalliftay inuu ciidamadiisu qabsadaan gobolka Crimea.

Raashiya ayaa carqaldeysay qorshe Mareykanku geeyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu ku doonayey in si wadajir ah loo dhaleeceeyo tilaabada ciidamada Ruushku kula wareegeen gobolka Crimea.

13 dal ayaa u codeeyey qorshaha Mareykanka, waxaana arrintaan ka aamusay dalka Shiinaha oo saaxiib la ah Raashiya.

Si kastaba ha ahaatee, natiijada codeyntaan haddii ay u dhacdo sida Raashiya dooneyso, ma heli doonto aqoonsiga dalalka reer Galbeedka, kuwaasoo ku hanjabay iney cunaqabateyn kusoo rogi doonaan Raashiya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.