Mareeg.com: Xisbiyada mucaaradka iyo ururada madaniga ee dalka Burkina Faso ayaa axada maanta ah ugu baaqay shacabka dalkaassi in ay isgu soo baxaan dibed baxyo lagu diidanyahay miletariga awooda la wareegay kaddib markii Madaxweynihii hore, Blaise Compaore uu is casilay.
Waxay doonayaan in xilliga kala wareega uu noqdo mid ku salaysan demoqaraadiyad. Sabtidii, ciidanka dalkaasi ayaa waxa uu taageeray Lieutenant-Colonel Zida in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalkaasi. Colonel Zida waxa uu ka tirsanaan jiray ilaalada Madaxweynihii hore.
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in dalka Burkina Faso laga dhiso maamul madani ah oo hoggaamiya dalka xilliga kala guurka ama ku meel gaarka.
Baaqa Midowga Afrika ayaa waxa uu daba socdaa kaddib markii uu is casilay Madaxweynihii dalkaasi Blaise Compaore.
Warbixin uu soo saaray Ururka ayaa waxa lagu sheegay in midowga Afrika uu si dhow ula socdo xaaladda dalkaasi, waxa uuna ugu baaqay Miletariga in in uu ilaalayo shacabka.
Gollaha ammaanka ee midowga Afrika ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu ka shiro xaaladda ka taagan dalka Burkina Faso.
Madaxweynihii hore ayaa isku dayey in uu badelo dastuurka si ay ugu suurtagasho in uu mar kale isu soo sharaxo xilka madaxweynanimo mar kale.
Balse waxa arrintaasi ka hor yimi shacabka oo gadooday, kaddibna dab qabadsiiyey xarumo muhiim ah oo ay ka mid ahaa dhismaha Barlamaanka. Madaxweynihii hore ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu u baxsaday Dalka Ivory Coast.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.