Dadkii ka dambeeyay dilkii Mas’uulkii ka tirsanaa Jaamacada SIMAD iyo gaadiidkii lagu fuliyay oo la qabtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dadkii ka dambeeyay dilkii Mas’uulkii ka tirsanaa Jaamacada SIMAD iyo gaadiidkii lagu fuliyay oo la qabtay

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilkii maalin ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay Mas’uul ka tirsanaa Jaamacada SIMAD.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in gaariga lagu dilay Mas’uulkaas uu ahaa mid laga soo kireystay shirkadaha Baabuurta kireeya, isagoo ka digay in shirkadaha iyo milkiilayaasha in gaadiid ka kireeyaan dadka falalka amni daro ku lug leh.

“Kuwii ka dambeeyay oo dilay mas’uul ka tirsanaa Jaamacada SIMAD qaarkood ayaa la qabtay waxaa noo xaqiiqowday baabuurta ay wax ku dileen inay ka soo kireysteen meelaha baabuurta lagu kireeyo, waxaa rabnaa inaan u sheegno shirkadaha baabuurta kireeya in ay iska ilaaliyaan oo aanay ka kireyn dadkan oo kale”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Waxaa uu sheegay in gaarigaas ay gacanta ku hayaan, isla markaana ay soconayaan howl galo lagu sugayo ammaanka magaalada, isagoo tilmaamay inay ku raad-joogaan kooxaha ku fila dilalka gaadiidka.

Hey’addaha Ammaanka ayaa dhowaan sheegay inay bur buriyeen shabakado isku xirnaa oo gaadiidka ku fulin jiray dilalka, iyadoo la soo bandhigay Sarkaal la sheegay inuu ahaa ninkii u qaabilsanaa Al-Shabaab howl galada gaadiidka lagu fuliyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!