Mareeg Media
Somalia

Dad Shacab ah oo lagu laayay Muqdisho

Ugu yaraan 5 qof ayaa dhimatay ka dib markii Koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dad Shacab ah oo ku sugnaa Suuqa Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Ku dhawaad 6 ruux ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkaasi, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadka la laayay qaarkood ay isku qoys yihiin.

Weerarka ayaa ka dhacay Guri ku yaalla Agagaarka Suuqa Koowo Goodey.

Maamulada degmooyika Wadajir iyo Dharkeenley  ayaa goobta  gaaray Waxaana Isku soo baxay Dadka Degaanka.

Sababta ka dambeysay in dadka Shacabka ah la laayo ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo, waxaana taasi ay cabsi weyn ku abuurtay dadka degaanka, waxaana goobta ka baxsaday Kooxdii dilka geysatay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!