Dad ku sumoobey Caano oo isbitaal la dhigey

Read Time:27 Second

Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo ka kooban laba qoys ayaa  la dhigay isbitaalka magaalada Qardho ee Puntland kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirka Isbitaalka Qardho.

Dadka sumoobay waxa ku jira carruur yar yar kuwaasi oo midkood uu markii dambe geeriyooday.

Dhaqaatiirka waxa ay sheegeen in dadkaasi Xaaladooda Caafimaad ay la tacalayaan, islamarkaana aysan faahfaahin ka bixin Sababta keentay in dadkaan Caanaha laga raaco.

Dhaqaatiirka ayaa sheegay in Lix ka mid ah dadka Xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay,islamarkaana ay soo bogsanayaan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %