Dad ku dhintay Shil Gaari Duleedka Magaalada Garoowe

Read Time:43 Second

Shilkaan Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Sinujiif oo qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shilka ayaa yimid,kadib markii gaariga ay saarnaayeen oo ahaa nooca raada uu rogmaday,waxana ku dhintay Shilkaas Afara ruux oo kala ah hal Nin iyo saddex dumar ah.

Dad ku sugan Garoowe ayaa waxa ay sheegen in dadka ku dhintay Shilkaasi gaari dhamaantood la geeyey meydadkooda Isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe si ay eheladooda uga yimaadaan.

Sidoo kale warraka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale uu fudud ka soo gaaray shilkaasi Gaari.

Dowr jeer oo hore ayaa Shilal gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen duleedka Garoowe,waxaana burbursan wadadaas oo uu saameyn ku yeeshay roob ka da’ay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %