Dad kale oo lagu laayey gobolka Xeebta Kenya

Lamu – Mareeg.com: Koox hubeysan ayaa xalay markale weerar ku qaadday tuulo lagu magacaabo Witu oo ku dhow magaalada yare e Mpeketoni oo maalmo ka hor Alshabaab ku dileen ilaa 83 ruux oo Kenyan h.

Wararka ka imaanaya gobolka Xeebta Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 ruux lagu dilay weerar koox hubaysan ay xalay ku qaadday tuulo lagu magacaabo Witu oo aan ka fogeyn deegaanka Mpeketoni.

Guddoomiyaha degmada Lamu Steven Ikua oo warbaahinta u xaqiijiyey weerarka ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin baaritaan ku saabsan weerarka.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii inka badan 63 qof ay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab sheegatay oo ka dhacay deegaanka Mpeketoni.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in weerarkaas aysan Al-Shabaab ka dambeyn, balse uu la xiriiro arrimo qabiil.

Lama oga cidda qaaday weerarka xalay lagu dilay, mana jirto cid ilaa hadda sheegatay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245