Dad ka yimid Xeryaha Dhadhaab oo loo diidday Gudahah deegaanada Jubbaland. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dad ka yimid Xeryaha Dhadhaab oo loo diidday Gudahah deegaanada Jubbaland.

1, 100 ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dhadhaab, ayaa loo soo dabaabulay dhanka kismanyo.waxaana la sheegaa sheegayaa in is hortaag lagu sameeyay in ay gudaha u galaan Deegaanada Gobolka Jubada Hoose.

sababta  is hortaaga loogu sameeyay Qaxootigaasi ayaa lagu micneeyay in ay jiraan kuwa kale oo iyagu ka horeeyay oo Degaano ka tirsan Jubada Hoose ay ku heysato Xaalad nololeed.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in ay go’aansadeen in ay celiyaan Qaxootiga, maadaama ay tilmaameen in ay Xaalad nololeed ay heysato kuwa horey u yimid Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxaa mas’uuliyiintaan ay sidoo kale qeexeen in ay Qaxootigaasi aysan heysan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha, taasina ay keentay in ay diidaan in la keeno Deegaanada Gobolka Jubada Hoose.

“Qaxootigii horey loo keenay ayaan heysan Cuno, Biyo, Hooy iyo waxbarasho, marka sidee ayey noqon doonaan kuwa kale ee haatan lagu soo daabulayo Gobolka” ayuu yiri mas’uul ka mid ah Maamulka Jubaland.

Hadalka Mas’uulkan ayaa waxuu imaanayaa saacado un kadib markii Dowladda Kenya ay Xeryaha Dhadhaab ka soo saartay 1,100 Ruux oo ka mid ah Qxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dalkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!