Dad ka badan 10 oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dad ka badan 10 oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Hiiraan

Mareeg.com: Ilaa 12 qof  ayaa dhimatay 9 kalena wey dhaawacmeen, kadib dagaal u dheexeeyo labo maleeshiyo beleed oo mar kale saaka ka dhacay deegaanka Deefoow ee  gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu daba socdo labo nin oo xoolalley  ah oo shalay lagu dilay meel u dhow degaanka Deefoow.

Dhaawacyada qaar ayaa la dhigay  Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ma jirto ila iyo hada cid ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka oo ka hadlay dagaalka, mana la oga khasaaraha rasmiga ah.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa marar badan ka dhacay deegaanka Deefow, kaasoo u dhexeeya maleeshiyo beeleed wada dega deegaanka.

Dowladda federaalka ayaana marar badan ku cel-celisay joojinta colaadda ka jirta deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.