Mareeg.com:Saddex qof ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay harraad iyo gaajo ugu geeriyootay deegaannada Diif iyo Deg-elemaa, oo hoos-taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Maxamed Cabdi Suraa, oo ka mid ah odayaasha deegaannadaas, ayaa warbaahinta u sheegay dhimashada saddexda qof oo mid ka mid ah uu ahaa qof da’ ah.
Wuxuu tilmaamay in biyo la’aan baahsan ay ka jirto deegaanka. Dadka ku nool deegaannada ay abaartu ku dhufatay ayaa u badan dad xoolo-dhaqato ah.
Maxamed Cabdi ayaa xusay in deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ay ka jirto abaar iyo biyo la’aan saamayn ku yeelatay dadka iyo xoolaha.
Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lacag dhan $50,000 wuxuu ugu deeqay in wax looga qabto abaarta ka jirta deegaannada Jubbooyinka ee uu ka arrimiyo maamulkiisa.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.