Dad Careysan Oo Xiray Jidka Maka Almukarrama Oo Gaari AMISOM Ku Jiiray Qof Shacab Ah (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dad Careysan Oo Xiray Jidka Maka Almukarrama Oo Gaari AMISOM Ku Jiiray Qof Shacab Ah (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Dad careysan ayaa xiray wadada muhiimka ah ee Maka Almukarramada kadib markii saaka halkaas gaadiidka AMISOM ku jiiray nin Taksiile ah, islamarkaana ka dhaqaaqeen.

Dadka ayaa isugu soo baxay halka loo yaqaano Taree Biano oo ah goobta gaairigu ku jiiran muwaadinka Soomaaliyeed ee Taksiilaha ah.

Ciidamada booliska Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa ka dalbaday dadweynaha inay furaan wadada, balse dadka ayaaa diiday iney goobta ka tagaan, waxana meydka ninka gaadiidka AMISOM jiiray muddo yaalay jidka.

Dadweynaha ayaa dhagxaan dhigay wadada laamiga ah, waxeyna sheegeen inay kacdoon sameynayaan hadii tacadiyada nuucaan ah AMISOM sii waddo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!