Dad caraysan oo ku mudaaharaad ka wada Afgoye

Read Time:51 Second

Banaanbax ay dhigayaan dadweyne boqolaal gaaraya oo u badan Haween iyo cauuur ayaa saaka ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa Banaanbaxan looga horjeedaa Ciidanka AMISOM ee degmadaas ku sugan ka dib markii maalmo ka hor ay halkaasi ku dhaawaceen nin dhalinyaro ah oo madaxa looga jiray.

Ninka dhalinyarada ahaa ee Ciidanka AMISOM ay dhaawaceen ayaa la sheegay inuu xalay u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

“Saaka waxaa Afgooye ka socda Banaanbax, Ciidamada AMISOM ayaa looga soo horjeedaa oo maalmo ka hor wiil Maskaxda looga jiro dhaawac u geystay, xalayna u geeryooday, AMISOM waa cadowga shacabka Soomaaliyeed”. Sidaas waxaa yiri haweeney ka tirsan dadka Banaanbax dhigaya.

Dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinayey ereyo ka dhan ciidamada AMISOM oo ay ku eedeeyeen iney si gardaro rasaas ugu fureen ninkaas madaxa looga jiray, waxayna ka dalbadeen dowlada Soomaaliya iney iney arintan wax ka qabato.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyaa mararka qaarkood iney dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, taasoo sabab u noqota in dadku ay ka caroodaan.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %