Dad aano qabiil loogu dilay gobalka Hiiraan

Read Time:45 Second

Labo ruux oo mid ay dumar tahay ayaa lagu diley labo kalana waa lagu dhaawacay deegaanka Bacda oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dilka labadan ruux oo ay ka dambeeyeen maleeshiyo hubeysan ayaa ka dhacay deegaanka Bacda iyadoo dadkii dilka ka dambeeyayna ay baxsadeen,

Labada qof ee weerarka lagu dilay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Galad Xasan Siyaad iyo raxma Xiireey , waxyna ahaayeen dad caan ka ah deegaanka Bacda.

Falka dilka iyo dhaawaca ayaa laga shakisan yahay inuu la xiriira aano qabiil iyo aargoosi u dhexeeya beelo dega gobolka Hiiran.

Gobalka Hiiraaan waxaa inta badan ka dhaca weeraro ay geystaan maleeshiyaad hubeysan oo aano qabiil ah iyadoo sidan oo kale dhowr jeer dad loogu dilay Hiiraan.

Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Hirshabelle gaar ahaan kuwa Hiiraan balse waxaa socda baadi goob loogu jira cidii ka dambeysay.

Muqdisho-Somalia

 

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.