Dacwad laga gudbiyey Madaxa Maamulka Hir-Shabeelle (AKHRISO) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dacwad laga gudbiyey Madaxa Maamulka Hir-Shabeelle (AKHRISO)

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa la soo gaarsiiyey dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Ware iyo kuxigeenkiisa Cali guudlaawe Xuseen,waxaana dacwadaas gudbiyey 11 Xubnood oo ka mid ahaa  Wasiirada hore ee Hir-Shabeelle.

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta dacwada gudbiyey ayaa waxaa ay sheegeen inay dacwada la xiriirta inay ka maqan tahay xaquuq mushaari ah oo ay ku leeyihiin Madaxda Hir-Shabeelle,isla markaana ay cabasho ka yihiin.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanaha Hir-Shabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi oo ka mid ah Xubnaha dacwada gudbiyey ayaa sheegay in dacwadaas ay soo martay heerar kala duwan,isla markaana shalay ay gaartay Maxkamada Sare ee dalka,sidoo kalena Maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono.

Waxa uu sheegay in dhamaan Xubnaha Dacwada gudbiyey ay Shaqeynayeen mudo 15 Bilood,isla markaana aysan helin wax mushaar oo xaquuqdoodii ay ka maqan tahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!