Dabley wiil arday ah ku dhishay xaafadda Suuqbacaad

Read Time:29 Second

Mareeg.com: Koox hubeysan, ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku dileen, Allaha u naxariistee Aweys Axmed Jiisoow, oo mehrad ganacsi ku heysta Suuqa weyn ee Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.

Dableyda ayaa qaarka sare ka toogtay marxuumka oo ahaa wiil dhallinyaro, iyadoo ay daqiiqado ka dibna ka baxsadeen goobtii ay ku dileen.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska, ayaan u suurta gelin inay gacanta ku soo dhigaan dableyda dilka geysatay.

Mid ka mid ah ehelada Aweys Axmed Jiisoow, ayaa Warbaahinta u sheegay in wiilkani dhiganayey Jaamacad, islamarkaana caawin jiray aabihiis oo goob ganacsi ku lahaa Suuq Bacaad.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.