Dabley weerar khasaare geystay ku qaaday guri taliye boolis ka deganaa Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dabley weerar khasaare geystay ku qaaday guri taliye boolis ka deganaa Boosaaso

Mareeg.com: Dabley hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday goob uu magaalada Boosaso ee gobolka Bari ka degan yahay Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Puntland, Muxiyadiin Axmed Muuse (Gacmey).

Iska-horimaad ayaa dhexmaray ragga weerarka soo qaaday oo loo maleynayo iney Alshabaab ka tirsan yihiin iyo ciidamada ilaalada taliye kuxigeenka.

Wararka lehelaayo ayaa sheegaya in hal askari uu geeriyoday labo kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana sidoo kale la sheegay in dagaalka  lagu dilay mid kamid ah kooxdii weerarka gaysatay.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa udhow xabsiga weyn ee magaalada Boosaso gaar ahaana Hoteelka Panarooma, waxaana kooxda weerarka gaystay ay bartil maameedsadeen ciidamo kusugan Bar-kantarool oo udhow afaafka hore ee guriga Taliye Muxiyadiin.

Ma jirto cid weli sheegatay weerarkaas xalay lagu qaaday guriga taliye ku xigeenka oo ku yaalla xaafada Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!