Dabley Muqdisho ku toogtay muwaadin u dhashay Turkiga

Muqdisho – Mareeg.com: Dabley hubeysan oo sida la sheegay wadatay gaari yar ayaa agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah shaqaalaha Turkiga ah ee ka howlgala Muqdisho.

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in qofka Turkiga ah ee la dilay uu la socday gaari ay leeyihiin Turkiga, islamarkaana ay la socdeen labo Soomaali ah.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in dableyda dilka geysatay oo watay gaari nuuca NOAH ah ay gaariga Turkiga rasaas ku fureen markii ay la sinmeen.

Wararka aan la xqiijin ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka mid ahaa Engineerada Turkida ee qaa bilsan dhismaha wadooyinka Muqdisho.

Dowladda Turkiga iyo hay’ado kala duwan oo ka socda dalkaas ayaa Soomaaliya ka wada mashaariic kala duwan, waxeyna dhiseen qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho, halka sidoo kale sameeyeen Iskuullo iyo goobo caafimaad.

Lama oga cidda dilka u geysataya ninkaan Turkiga ah, mana jiro war ilaa hadda kazoo baxay dowladda Soomaaliya iyo safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245