Dabley Muqdisho ku dhaawacay sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaaliya

Read Time:34 Second

Mareeg.com: Dabley wadatay gaari ayaa maanta Muqdisho ku dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda oo wadatay NOAH ah ay rasaas ku fureen sargaal lagu magacaabo, Cabdulaahi Maxamuud Cosoble, xilli sii gelayey gurigiisa oo ku yaalla degmada Howl-wadaaga ee magaalada Muqdisho.

Cosoble waxaa gaaray dhaawac, waxaana lagu geeyey oo lagu daweenayaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Kooxihii weeraray Sargaalkan katirsan Dowlada ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta weerarku ka dhacay gaaray Ciidamo katirsan Nabad Sugida iyo booliiska Soomaaliya.

Horay ayaa waxaa dhowr jeer weerarro kala geddisan Muqdisho loogu dilay saraakiil dhowr ah oo ka tirsanaa Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.