Dabley loo maleynayo iney yihiin Alshabaab oo dad ku dilay Wajeer

Read Time:38 Second

Mareeg.com: Afar qof ayaa ku dhimatay weerar rag loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay xilli dambe oo shalay ahayd ka gaysateen degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Dableyda ayaa rasaas ku furtay koox dad ah oo ku sugnaa dukaan ku yaalla bartamaha magaalada, iyada oo adeegsanaysay qaraxyo, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ah.

Maxamed Siyaad, oo ka tirsan saraakiisha maamulka deegaanka ee dowladda Kenya ayaa sheegay in saddex qof ay dhimatay kaddib markii maleeshiyada weerarka soo qaadday ay dukaanka dusha uga xirtay kaddibna dab qabadsiisay, halka qofka afaraadna uu dhintay markii isbitaalka la dhigay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa toddobaadkan dhowr qof ku dishay weerarro ay ka gaysatay deegaannada ku dhow xuduudda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %