Boosaaso, November 9, 2013: Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay halkaas ay ka dhaceen weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo lala beegsaday xarrumaha dowladda qaarkood.
Dabley hubeysan ayaa aagaal muddo saacad ku dhow socdey xalay ku qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay iney doonayeen iney xabsigaas kala baxaa maxaabiis ku xuran.
Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada asluubta iyo koox dabley ah oo hubeysan. Rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen waxaa laga maqlay dhammaan xaafadaha magaalada Boosaaso.
Taliyaha xabsiga la weeraray Shire Siciid Maxamed ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo tiradooda uu ku sheegay inta u dhexeysa 60 -70 qof.
Kooxda weerarkaas geysatey ayuu Taliye Shire sidoo kale sheegay in ay lugeynayeen, islamarkaana ay aad u hubeysnayeen, isagoo intaas raaciyey in xabsiga ay afarta dhinac rasaas kaga fureen, haseyeeshee ay ilaalada xabsigu si xooggan isaga caabiyeen.
Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso Shire Siciid Maxamed ayaa xusay in lagu guuleystey in dib loo riixo kooxdii weerarka soo qaaday, kaddib markii ilaalada xabsigu ay gurmad ka heleen qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga.
Labo ka mid ah askartii ilaalineysay xabsiga magaalada Boosaaso ayaa ku geeriyooday weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay labo kale.
Taliyaha xabsiga ayaa labada askari ee geeriyoodey ku kala sheegay ayaa kala ahaa taliye ku-xigeenkii xabsiga oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Abshir iyo askari kale oo isna magaciisu ahaa Maxamed Colow.
Dhinaca kale, qaraxyo saddex ahaa iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay jidka laamiga ah ee magaalada dhex mara iyo xaafadda biyo-kulule, iyadoo mid ka mid ah qafraxyadaasi uu ka dhacay xarunta dowladda hoose meel u dhaw ee magaalada, waxaana ku dhaawacmay hal qof oo ka agdhawaa goobta.
Maamulka Puntland ayaa go’aansaday iney toogtaan dhamaan dadka lagu helo iney Alshabaab ka tirsan yihiin waxeyna horay u toogteen dad badan oo lagu eedeeyey iney Alshabaab ka tirsanaayeen, iyadoo haddanaaya xabsiyada ku jiraan dad ku xukuman dil oo loo heystao iney Shabaab xubno ka yihiin.
Mareeg.com