Categories
Af Soomaali Featured

Dabley hubeysan oo Muqdisho ku dilay gudoomiye ku xigeenkii Jaamacadda SIMAD

Mareeg.com: Kooxo hubaysan oo watay gaari yar ayaasaaka magaalada Muqdisho ku dilay gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda SIMAD ee Arimaha Waxbarashada, Ibrahim Maxamuud Xaamud.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay inta udhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo KPP ee degmada Hodan, waxaan halkaasi ku dhintay Ustaad Ibraahin Maxamuud Xaamud oo Jaamacada Simad ka tirsanaa.

1503631_762975583749715_4405852960728663888_n

Ibraahim Maxamuud Xaamud ayaa ahaa ku simaha Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD ahna kaaliyaha Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi ee Arimaha Waxbarashada.

Raga dilka geystay ayaa gaariga macallinkaan kor jaray gaari kale, waxeyn huwiyeen rasaas, iyadoo loola cararay isbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday.

Lama oga cidda ka dambeysa dilka macallinkaas, hase ahaatee dilalk nuucaan ah ayaa dhawaanahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho.

Mareeg Media

By A warsame

Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com
or Mobile :+447737886245