Dabley hubeysan oo toogasho loogu geystay Muqdisho & faafahin dheeri ah oo kazoo baxeysa — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dabley hubeysan oo toogasho loogu geystay Muqdisho & faafahin dheeri ah oo kazoo baxeysa

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa maanta dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Muqdisho dabley hubeysan oo ka koobneyd labo nin.

 

Falkan ayaa ka dhacay meel ku dhow xaafada Xoosh ee degmada Dharkeynley ka dib markii  uu halkaas iska horimaad ku dhexmaray ciidamada xasilinta iyo dableyda hubeysan oo markii hore diiday amar la siiyey oo ahaa iney dhigaan qoryo ay ku hubeysnaayeen.

 

Goob-joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadka lagu dilay mid ka mid ah dableyda halka mid kalena la dhaawacay, waxaa sidoo kale ku dhintay halkaas qof shacab ah oo ay haleeshay rasaastii la isweydaarsanayey, halka askari ka tirsan ciidamada amaanka uu soo gaaray dhaawac.

 

Dadka degaanka ayaa sheegay in dableyda dilka iyo dhaawaca loo geystay ay ahaayeen rag burcad ah oo maalmahanba dhac joogto ah ka waday xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley.

 

Ciidamada amaanka iyo maamulka Dharkeynley ayaanan illaa hadda ka hadlin falkan ka dhacay degmadaas oo ku soo beegmaya xili ciidamada dowladu ay caasimada ka wadaan howlgalo lagu xoojinayo amaanka.

 

Iska hor imaadka ciidamada dowlada dhaxdooda ayaa maalmahaan danbe kusoo badanaya magaalada waxaan amaanka magaalada lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah halka ciidamada malatariga ee fasaxa soo qaata ay inta badan ku suganyihin kontaroolada magaalada gaar ahaan ex kontarool afgooye oo hoooy u ah ciidama badan oo ka tirsan malatariga Somalia.

 

Waxa inta badan ka dhaca goobtaas falal amaandaro maadama ay ku suganyihiin ciidan talis ahaan laga maamulo ama loogu tala galay gobolada dalka, dowlada oo dadaal ugu jirta sidii loo xakameen lahaa amaanka casimada ayaa hadana ku dadaaleys sidi magaalada looga sari lahaa ciidanka aan talis ahaan loogu talagalin muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!