Faahfaahin: Dabley gaari wadatay oo dad ku leysay agagaarka KM4 ee Muqdisho

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Dabley hubeysan oo wadatay gaari yar ayaa galabta 4 ruux oo la socday gaari kale ku dilay agagaarka Hotelka Xayaat ee KM4 ee magaalada Muqdisho.

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in dadka gaariga lagu dhex laayey ay ka shaqeynayeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ragga lagu dilay weerarkaas ayaa kala ahaa: Abuukar Caddaan, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya, Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada, Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawalkii gaariga saddexda sarkaal.

Ragii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta diku ka dhacay iyadoo laga war hayo in deegaankaas yahay mid ay ku badan yihiin ciidamada amaanka Soomaaliya.

Alshabaab oo horay u dilay saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka Soomaaliya, ayaa haddana sheegtay dilka afartaas ruux. Alshabaab ayaa rumeysan in saraakiisha waaxda socdaalku la shaqeeyaan booliska Aduunka ee loo yaqaano Interpol, sida uu horay u sheegay Afhayeenka ciidamada ururkaas, Cabdilcaziiz Abuu Muscab.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.