Categories
Af Soomaali

Dabley dilal ka geystay Mandera iyo Gaarisa ee Woqooyi Bari Kenya

Mareeg.com: Maleeshiyo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa xalay iyo shalay oo arbaco aheyd saddex qof ku kala dilay magaalooyinka Mandera iyo Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dhacdada koowaad ayaa shalay ka dhacday magaalada Mandera, kadib markii maleeshiyo hubeysan oo gaaraya shan qof ay rasaas ku fureen dad u shaqeynayay shirkad dhismo, kuwaasoo ku howlanaa dhisidda waddo laga hirgalinayo magaalada Mandere, sida uu wargeyska the standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi u sheegay taliyaha ciidanka booliska Mandera Alex Ole Nkoyo.

Wuxuu tilmaamay taliyaha in maleeshiyada oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay u baxsadeen dhanka xuduudda Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliye xigeenka ciidnaka booliska magaalada Garissa Dominic Kyenza ayaa sheegay in maleeshiyo hubeysan oo aanan la garaneyn ay magaalada Garissa xalay ku dishay laba qof, mid kamid ah labada qof ayaa ku geeriyooday goobta, halka kan kale uu u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray.

Wuxuu tilmaamay inay wadaa baaritaan, isagoo ka codsaday dadka deegaanka inay lasoo wadaagaan laamaha ammaanka macluumaadka lagu soo xiri karo maleeshiyada ka dambeysay weerarka. Majirto cid loo qabtay labada weerar ee ka dhacay magaalooyinka Mandera iyo Garissa.

Weerarradan ayaa kusoo beegmay saddex maalin kadib markii maleeshiyo hubeysan ay dhaawaceen laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Kenya, kadib markii ay weerareen salhig boolis oo ku yaalla deegaanka Lafey ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

By A warsame

Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com
or Mobile :+447737886245