Dabley afka duubatay oo xalay dad ku dishay Mombasa

Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa xalay weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ka geystay xaafadda Likoni ee magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Uguyaraan saddex qof ayaa ku dhimatay 11 kalena wey ku dhaawacmeen weerarkaas oo ay fuliyeen ilaa 3 ruux watay mootooyin, islamarkaana wajiyada soo duubtay.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira wiil 11 sano jir ah, waxaana la geeyay isbitaalka magaalada Mombasa, sida uu qoray wargeyska the standard ee kasoo baxa Kenya.

Raggi falka geystay ayaa ku baxsaday Mootooyinkii ay wateen, ciidamada amaanka Kenya ayaan ku guuleysan iney soo qabtaan raggii falka geystay.

Madaxa ciidanka booliska gobolka xeebta, Ropert Kitur ayaa sheegay in saddex nin oo hubeysan ay weerarka fuliyeen xalay saddex saac oo habeennimo, islamarkaana ay baxsadeen. Wuxuu tilmaamay inay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan sida ay wax u dheceen iyo ciddii ka dambeysay.

Peter Musyoki oo ka mid ah dadka degan xaafada Likoni, ayaa sheegaaya inuu arkaayay laba nin oo wejiyada soo duubtay oo si miyir la’aan ah rasaas u furayay.

Weerarkan ayaa ku soo aadayaa, xilli habeen ka hor bandow xilliyada habeenkii ah lagu soo rogay magaalada Lamu, si wax looga qabto weerarada isa soo taraya ee ka dhacaaya halkaasi.

Muslimiinta Lamu, ayaa si xoogan kaga soo horjeestay bandowgaasi, iyagoo sheegay in uu ka horjoogsanayo cibaadada bishan Ramadaan.

Mohamed Hashim oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Lamu, ayaa sheegay in bandowgu uu dadka Muslimiinta ah ka horjoogsanayo, inay Masaajidda ku soo tukadaan Salaadaha Cishaha, Taraawiixda, Tahajudka iyo Salaadda subax.

Gobolka xeebta ee dalka Kenya ayaa dhawaan ka dhacay weerarro ay ku dhinteen in kabadan 100 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ay sheegteen Al-Shabaab, inkastoo dowladda Kenya ay ku eedeysay weerarradaas siyaasiyiinta dalkeeda.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245