Dabley afduubtay sarkaal ka tirsan maamulka Mandheera

Mareeg.com: Dabley loo badiyey iney ka tirdan yihiin Alshabaab ayaa saaka mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Mandheera ee gobolka Woqooyi Bari kala degay bas uu la socday, sidaas waxaa qoray warbaahinta Kenya.

Dableyda ayaa saaka oo khamiis ah meel u dhaxeya Mandheera iyo Carabiya ku joojiyey gaari, waxeyna la degeen mas’uulkaas oo magaciisa lagu sheegay Muktar Otieno.

Lama oga dableysaasi la aaday mas’uulkaasi ay kala degeen gaariga, waxaana ciidamada amaanka dalkaas sheegeen iney ku jiraan baadi goobkiisa.

Alshabaab ayaa deegaanka Carabiya horay ugu xasuuqay dad badan oo Kenyan ah oo kala degeen gaadiid dadweyne.

Mareeg Media