Dabley afar qof ku dishay magaalada Mandera ee Woqooyi Bari Kenya

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Afar qof ayaa dhimatay, saddex kalena way dhaawacmeen, kaddib markii ay xalay rag hubeysan rasaas ku fureen dad rayid ahaa oo ku sugnaa degmada Madheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.



Guddoomiye ku-xigeenka dhinac Bari ee Golaha deegaanka Mandheera, Elvis Korir ayaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka dhintay aanu ku jirin qof deggenaa degmada.

Elvis Korir ayaa xusay inuusan wax faahfaahin ah ka bixin karin qaabta uu u dhacay weerarka, balse booliska degmada uu wado baaritaanno la xiriiraka dhacdada.

Weerarka ayaa imaanaya labo maalin kaddib markii ay Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha Mandheera, Ali Roba, saddex qof ayaa weerarka lagu dilay oo labo ka tirsan ay boolis ahaayeen.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.