Dabka kacay Kaalin shidaal oo ku taal Isgoyska Black Sea * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dabka kacay Kaalin shidaal oo ku taal Isgoyska Black Sea

Dab khasaare hantiyad geystay ayaa goor dhoweyd ka kacay kaalin shidaal ku taal agagaarka Isgoyska Black Sea ee degmada H/wadaag ee Gobolka Banaadir, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha dabkan uu ku bilowday.

Gaadiidka dab damiska ayaa ku qul qulayay halka uu dabka ka dhacay ee agagaarka Isgoyska Black, waxaana qiica iyo uurada ka baxeysa laga arkayay meelo fog fog oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada lama soo sheegin dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha hantiyadeed ee dabkan uu baabi’iyay, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fido goobo hor leh.

Gudoomiyaha degmada H/wadaag Axmed Nuur Cali Siyaad ayaa sheegay in dabkan uu khasaare badan uu dhaliyay, isla markaana uu socdo gurmad ku aadan sidii loogu guuleysan lahaa in dabka la damiyo.

Gaadiidka dab damiska ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud ayaa durba gaaray, waxaana ay ka qeyb qaadanayaan dadaalada lagu daminayo dabkan oo aanu aheyn kii u horeeyay ee ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Black Sea iyo goobaha ku dhow dhow.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka kacay dab khasaare hantiyadeed, gaar ahaan goobo lagu iibiyo shidaalka, waxaana ugu dambeysay Isgoyska KM4 kaalin shidaal ku yaalay iyo kaalin shidaal ku taalay agagaarka Isgoyska Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More