Dab xoogan oo ka kacay Maqaayad ku taalla agagaarka Isbitaalka Digfeer

Read Time:29 Second

Waxaa goordhow dab xoogan uu ka kacay Maqaayad cusub ka soo horjeeda Isbitaalka Digfeer oo ku yaalla Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in dabka ka kacay Maqaayada uu ahaa mid xoogan, isla markaana inta badan maqaayada ay gubatay,waxaana durbo goobtaas gaaray Gaadiidka dabdamiska ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale  waxaa la sheegayaa in dabka laga cabsi qabo in uu ku faafo Isbitaalka Digfeer oo goobta ka Agdhow.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha hantiyeed ee uu sababay dabkaasi ka kacay Maqaayad cusub oo ku taalla ka soo horjeeda isbitaalka Digfeer.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %