
Read Time:33 Second
Baydhabo – Mareeg.com: Dab xalay ka kacay qeyb ka mid ah suuqa magaalada Baydhabo ayaa khsasaare u geystay qaar ka mid ah ganacsatada suuqaas, sida uu warbaahinta u sheegay ganacsade lagu magacaabo Xuseen oo dukaankiisu dabkaas ku gubtay.
Dabka ayaa baabi’iyey ilaa 7 dukaan oo isugu jiray kuwa bagaasha iibiya iyo bakhaaro muuska lagu iibiyo, lamana garanayo sababta ka dambeysay dabkaan.
Gurmad xoog leh iyo dadaal badan oo ay dadku sameeyeen, ayna ka qeyb qaateen ilaa 3 booyadaha biyaha qaada ah kadib ayaa lagu guuleystay in la bakhtiiyo dabkaasi.
Dakbkaas ma geysan wax khasaare nafeed ah iyo dhaawac labadaba, waxaase halkaas dhibaato hatiyeed kasoo gaartay ganacsatdii dukaamadu ka gubteen.
Mareeg Media

About Post Author
A warsame
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245