Dab saaka ka kacay suuqa degmada Xamar weyne

Dab ayaa saka ka kacay suuqa degmada Xamar weyne, iyadoo dabka uu ka kacay qeybta lagu iibiyo qudaarta laga keeno degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Xamar weyne ayaa sheegay in dabkan uu ka kacay maqaayad shaaha lagu iibiyo, waxaana dabka ka kacay maqaayadaas uu saameeyay dukaamo bagaash ahaa oo ku dhowaa.

Guddiga Ganacsatada degmada Xamar weyne iyo dadweyne kale ayaa deg deg ugu gurmaday goobta uu dabka ka kacay, waxaana ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka.

Dadweynaha ayaa markii dambe biyo ku damiyay, iyadoo dabka ahaa mid kooban oo aan suuqa intiisa kale ku baahin.

Dabka ayaa baabi’yay illaa afar dukaan, waxaana si rasmi ah loo ogeyn hantida ku bur burtay goobtaas.

Ma ahan markii u horeysay oo uu dab ka kaco suuqa Xamar weyne, waxaana sanadihii la soo dhaafay uu ka kacay qeybaha suuqa ka kooban yahay, dab sababay khasaare hantiyadeed,