Dab qabsadey Xarunta Bangiga Dhexe & faah faahin kasoo baxeysa+Sawirro

Read Time:39 Second

Waxaa xalay uu dab xoogan ka kacay Xarunta Bangiga Dhexe ee Muqdisho,iyada oo Dowlada Hoose ee Xamar ay ku guuleysatay in ay si deg deg ah u damiso Dab ka kacay Bankiga Dhaxe ee Dowlada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa deminta dabka oo la sheegay in uusan geysan wax khasaaro ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa uga mahad celisay Shaqaalaha gurmadka deg dega ee Gobolka Banaadir ee ku guuleystay deminta dalkaas,waxaana sidoo kale uu sheegay in dabka laga badbaadiyey hantida taalla Bangiga.

Sidoo kale Guddoomiye Filish ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Gobolka Banaadir inay Guryahooda uga taxadaraan in uu ka kaco dab khasaaro kala duwan geysta.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %