Dab qabsaday suuqa shidaalka magaalada Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dab qabsaday suuqa shidaalka magaalada Jowhar

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarrunta Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dab xoog leh uu ka kacay Suuqa Shidaalka markii labaad.

Sida ay kusoo warramayaan weriyaasha ku sugan Jowhar, dabka ayaa ka cakay qolkii uu ka kacay dab suuqaas intiisa badan baabi’iyey shan bilood ka hor.

Maamulka gobolka, kan degmada Jowhar, iyo suuqleyda oo iskaashanaya ayaa dedaal badan ku bixiyey daminta dabkaas, waxaana wararku sheegayaan in dadbka la qaboojiyey, inkastoo uusan weli wada damin.

Suuqa Shidaalka Jowhar oo ku yaalla xaafadda Hanti-wadaag ayaa gubtay bishii October ee sanadki hore, xilligaas oo khasaare badan ka dhashay.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo ganacsatada ayaa la filayaa iney soo saaraan war ku saabsan khasaaraha dabkaasi dhaliyey.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!