Dab Khasaaro Sababay Oo Ka Kacay Xerada Rajo ee Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dab Khasaaro Sababay Oo Ka Kacay Xerada Rajo ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho ( Mareeg.com)-Dabkani oo ahaa mid xoogan ayaa barqanimadii maanta waxa uu ka kacay Xerada Rajo ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa dabkani ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo ah Wiil yar iyo Aabihii.

Dadka ayaa sida dadka deegaanka ay Shabelle u xaqiijiyeen waxaa uu ka dhashay kadib markii guri ka sameysan cooshad ilmo yar yar oo looga tagay ay ku falaadeen deedna uu qabsaday gurigaas kuna sii fiday guryaha nawaaxigiisa ku yiilay.

Khasaaraha ugu badan ee ka dhashay dabkaas ayaa ahaa in ay basbeeleen guryo badan oo kuwa cooshadaha ka sameysnaa aha oo dad danyar ah ay ku noolaayeen.

Durba waxaa goobta gaaray kooxaha dab damiska oo ku guuleystay in ay gebi ahaan baqtiijiyaan dabkaasi.

Ma jiro khasaaro dhaawacyo ah ee la soo wariyay in uu geystay dabkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!