Dab ka kacay suuqa weyn ee Wadajir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dab ka kacay suuqa weyn ee Wadajir

Dab xoogan oo geystay qasaare hantiyadeed ayaa goordhaw ka kacay suuqa weyn ee degmada Wadajir, kaasi oo iminka ay socoto dadaallo lagu daminayo.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo amniga ee degmada Wadajir Abuukar Sheekh Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta lagu iibiyo qalabka dhismaha, kaasi oo uu ku sheegay in uu geystay qasaare hantiyadeed.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay in dabcan uu saacad ka hor ka kacay suuqa, iminkana ay socdaan dadaalo lagu gurmanayo sidii lagu damin lahaa oo ay ka qeyb qaadanayaan maamulka gobolka, shirkadda Hormuud iyo dadweynaha degmada ku nool.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.