Dab ka kacay Isbitaalka Dayniile oo baabi’iyay qeybtii keydka daawada

Read Time:41 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Dab ayaa xalay ka kacay isbitaalka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare soo gaaray qeybta keydkii daawada ee Isbitaalka.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegaya in dabka ka kacay isbitaalka uu sababay cilad koronto, waxaana uu socday saacado.

Dadka deegaanka ayaa muddo la xarbiyay inay dambiyaan, waxaana markii dambe ku guuleystay inay dabka damiyaan, ka hor inta uusan gaarin gaadiidka dab damiska.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu baabi’iyay qeybtii keydka daawada iyo wixii qalab ee yiil.

Daawooyinka ku baaba’ay qeybta keydka daawooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa daawooyinka lagula tacaalo carruurta nafaqa darada heysata, daawooyinka ka hortagga shubanka iyo jadeecada.

Isbitaalka Dayniile ayaa ah isbitaal bixiya adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, waxaana uu ka mid ahaa isbitaalada tobanaankii sano ee la soo dhaafay ka howl galayay magaalada Muqdisho.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %