Daawo:-Xildhibaan loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo:-Xildhibaan loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Muqdisho

Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay sheegtay in saakay loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho,xilli ay dooneysay inay safar ku aado deegaano katirsan gobolka Gedo.

Kulankii Maanta ee golaha Shacabka ayaa ka hor sheegtay in fasax muddo 10 Cisho ah ka qaadatay guddoonka Golaha Shacabka si ay u aado degmada Luuq oo ay deegaan ahaan kazoo jeedo,hayeeshee saakay loo sheegay inaysan bixin Karin oo ay heysato Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayay ka dalbatay in loo soo cadeeyo sababta saakay loogu diiday inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho,xilli ay dooneysay inay safar ku aado deegaano katirsan gobolka Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!