Daawo: Waxa ku dhacay guri ku madax adeygay dowladda Hoose ee Istanbul * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo: Waxa ku dhacay guri ku madax adeygay dowladda Hoose ee Istanbul

Mareeg.com: Xaafad lagu magacaabo Fakurtiba oo ka tirsan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa shirkad maalgashi oo xagga dhismaha ah waxey la heshiisay inta badan dadkii deganaa, iyadoo dooneysay iney qeyb ka mid ah xaafadaas iibsato.

Dadkii lahaa guryaha xaafadda ayaa aqbalay dalabka shirkadda, waxaase diiday hal qoys oo kaliya, markaas maxaa dhacay?.

Sida uu qabo qaanuunka dalka Turkiga, shirkadaha Maalgashiga ayaa guda geli kara duminta xaafadaha haddii saddex ka meel hal meel ogolaato in dhulkaas la iibiyo, sida uu qoray bogga CNN.

Shirkad lagu magacaabo Vivkurtiba oo mashruucaan wadda ayaa bilowday duminta guryaha ku hareereysan gurigaas, waxeyna hoos u qodday dhulka, taasoo halka guri ee heshiiska diiday ka dhigtay buur dheer oo sidii Jaziirad ah, islarkaana aan la geli karin lagana soo bixin karin.

Milkiilaha gurigan ayaa sheegay inuusan u diidin heshiiska shirkadda si uu u helo magdhow lacageed oo xoog leh, hase ahaatee uu doonayo in heshiisku ahaado mid aad u cad sida uu yiri.

Sida ka muuqata sawirrada gurigan, suurgal maaha in dad deganaadaan maadaama kaligiis oo buur saaran lasoo reebay, hareerihiisa oo dhanna la qoday.

Shirkadda Vivkurtiba ayaa mashaariic dhisme oo casriyeyn ah ka wadda magaalada Istanbul, taasoo lagu badelayo ilaa 50 kun oo guri.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!