DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay, Qarixii galabta ka dhacay Muqdisho & Dhacdo Naxdin leh.... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay, Qarixii galabta ka dhacay Muqdisho & Dhacdo Naxdin leh….

Muqdisho (mareeg news) Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof naftii halige ah ayaa ku qarxay maqaayad kasoo horjeeda hotel Wehliye

Maqayaada ayaa camirneed waqtiga uu dhacayay qaraxa, waxaana ku sugnaa asxaab badan oo ku shaaxeeynayay meesha

• Nin Ayaa Meesha Soo Istaagay

Hooyo ka badbaaday qaraxa oo dhaawac ahayd ayaa sheegtay in ninka isqarxiyay ay indhaheeda ku aragtay.

“Maanta oo dhan ayaan arkayay, waxaan islahaa qof ayuu sugayaa oo balan ayuu leeyahay lakin markuu gaari koray ayaan baqay oon is iri askarta wac”

“Lakin gaarigii markuu koray isla daqiiqad gudaheed wuu qarxay, wallahi waxaan is iri caawa caruurtaada uma hoyin doontid” ayey tiri hooyo la hadashay idaacadaha

• QASAARAHA QARAXA OO SII KORDHAYA

Inka badan 14 qofood ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa. Waxaa ku jirtay hooyo meesha ku iibineeysay shaax

– Bajaaj ay saarnaayeen 2 gabdho iyo darewalkii waday ayaa ku gubtay qaraxa.

Ku dhowaad 23 qofood ayaa haatan xaaladooda lagu dabiibayaa isbitaalada Muqdisho oo waqtigaan aad u mashquul ah

• DHACDO XANUUN BADAN

Maxamed Maxamud oo wiil dhalinyaro ah ayaa goordhow la hadlay idaacada Kulmiye, isagoo ilmeeynaya ayuu yiri

“Saxibkey aan aduunka ugu jeclaa ayaan maqaayada ku balamiyay, caawa anigaa ka masuul ah geeridiisa. Waxaan hortagay meydiisa oo aan aqoonsan karin”

“Aniga hotelka ayaan gudaha u soo galay oo aan ku weyso qaadanayay markuu qaraxa dhacay. Isagana isagoo faraxsan ayuu maqaayada horteda shaax labaad ku cabayay”.

“Allaha u naxariisto saxibkey Nuux maxamed Sheekh. wuxuu ahaaa arday dugsiga sare ee foom 4”.

Daawo Muuqaalka

• HAL ARIN AYAA JIRTA

Shalay waxaa Muqdisho ku dagaalamay ciidamada nabadsugida iyo ciidamo kale oo imaaraadka uu tababarayay

Gawaari badan ayaa soo gudubtay inta uu dagaalka socday. Maantana qaraxa ayaa dhacay?

Waxaa la isweydiinayaa kaalin intee la eg ayey imaaraadka carabta kuleedahay qaraxa maanta dhacay oo wali meydadkiisa aan la duugin

• XUKUUMADA XAALKEEDA

Maalin ka hor waziirka amniga ayaa lagu arkay hotel SYL oo ay isugu yimaadeen xildhibaanadii waday mooshinka.

Dalka oo xaalad halis uu ku jiro ma ahayd in xafiisyada xukuumada ay shaqo joojiyan? iyagoo ku mashquulay mooshinka Jawaari

Caawa qoysas badan waxaa u yaala meydadka dadkooda, walina lama aasin

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!