DAAWO : Wararkii ugu dambeeyay iyo Qofkii ka dambeeyay mooshinka lagu doonayo….
Muqdisho ( Mareeg News ) Qofkii ka dambeeyay mooshinka lagu doonayo in lagu rido Prof Jawaari ayaa si rasmi ah u cadaatay, waana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre
Prof Jawaari ayaa caawa sheegay in waqtigaan aqalka barlamaanka ay la wareegeen askar uu soo amray RW Kheyre
Barito waxaa kalfadhi lahaa barlamaanka lakin waxaa la diidan yahay inuu shirgudoomiye ka noqdo Gudoomiye Jawaari
Jawaari oo caawa si qiiro leh u hadlay ayaa u muuqday mid kursigiisa weyn doona, maadama uu wajahayo cadaadis labo afle ah oo uu hormuud ka yahay Xasan Cali Kheyre
Mooshinkan ayaa la doonayaa in si awood leh xilka looga qaado Jawaari, iyadoo lagu wado in si sharci darro ah loo doorto gudoomiye kale
Lacagaha lagu bixinayo mooshinka ayaa ka badan 5 milyan oo dollar
– waliba xildhibaanada mooshinka wada mid kasto waxaa la siiyay balanqaad kale oo ka banaan lacagta uu mooshinka ku qaadanayo
Ciidamada la wareegay aqalka Barlamaanka oo aad u tiro badan ayaa laga baqdin qabaa in barito ay gudaha u diidaan kuwa Jawaari taageersan
Jawaari ayaa sheegay inuu diiday ogolaanshaha hashiisyo dalka burbur u keeni lahaa oo uu Kheyre watay, taas oo keentay in mooshinka
Sakiin ayuu hada ku fadhiyaa gudoomiyihii sharciga kuyimid ee Jawaari, waxa ay micno ahaan ka dhigan tahay in kursigiisa uu halis ku jiro
Axmed Ismacil Samatar oo caawa hadlay ayaa sheegay in Somaliya ay ku jirto xaalad halis ah
Ka waran awooda uu isticmaalayo Kheyre? Ma u qalmaa Jawaari in sidan xilka looga tuuro.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Comments are closed.