Daawo: Wafdi ka socda DF iyo IGAD oo tegay Kismaayo

Mareeg.com: Waxaa shalay gala boo isniin ah magaalada Kismaayo gaaray wafdi ka kooban wasiiro oo ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan urur Goboleedka IGAD.

Wafdiga waxaa hogaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, Cabdulahi Goodax Barre, waxaana wafdiga ka mid ah Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane.

Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ah Ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya, danjire Maxamed Cabdi Afey.

Wafdiga waxaa si diiran ugu soo dhaweyay Kismaayo Wasiirro ka tirsan maamulka Jubaland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Warsame Darwiish, Macallin Maxamed Wasiirka arrimaha Bulshada iyo Afhayeenka maamulka Cabdinaasir Seeraar Maax.

Ujeeddada socdaalka wafdiga dowladda iyo IGAD ayaa lagu sheegay qiimaynta qodobbada ka hirgelay heshiiskii Addis Ababa ee dabayaaqadii sanadkii 2013 ay gaareen dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Wada hadalka dhexmaraya dowladda Fedreaalka, IGAG iyo maamulka JUBA ayaa manta ka furmaya magaalada Kismaayo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245