Daawo Video Imaam ka tujinayey Masjid boqortooyo oo waayey cid saxda

Read Time:1 Minute, 21 Second

Mareeg.com: Kooxaha baraha bulshada ayaa maalmahaan is dhaafsanayey Video gaaban kaasoo muujinaya Imaam tujinaya salaadda Ciidul Fidriga, masjidka Sheekh Zaid ee dalka Isutaga Imaaraadka Carbta, kaasoo isku dhex qasay aayadaha labo suuradood oo kala duwan, weliba soona geliyey laxni kale.

Salaadda Ciidul-fidriga oo ay ka qeybgaleen dad badan oo ka tirsan qoyska reer boqor ee dalkaas, uuna ugu horreeyey ninka leh dhaxalka boqortooyada Sheekh Muxamed Bin Zaid ayaa Imaamka Masjidka oo khalday Qur’aanka uu akhrinayey laga waayey qof toosiya ama siiya tilmaan muujineysa inuu khalday Qur’aan akhrinta.

Imaamka ayaa markii hore bilaabay Suuradda (Al-aclaa), markii uu labo aayadood ka akhriyey ayuu ka baxay oo dhexda kaga dhacay Suuradda kale ee (Al-lleyl), wuxuuna intii uu akhrinayey galay labo khalad oo kale, suuradaas ayuuna markii dambe toos u dhameeyey.

Waxa lala yaabay maahaa in Imaamku khalday Qur’aan akhrinta oo taasi wax dhaca, hase ahaatee waxaa lala yaabay in la waayey qof ishaaro siiya imaamka.

Dad badan ayaa aaminay in arrintaasi ku timid aqoon yarro xaaga Qur’aanka Kariimka ah oo heysta qoyska reer boqor ee dalka Imaaraadka, kuwaasoo heystay safafka hore ee masjidka.

Shareecada Islaamka ayaa qabta in safka hore ee ku xiga Imaamka Masjidka, gaar ahaan kooxda ku aadan dhabka Imaamka ay ka mid noqdaan dad wax ka yaqaana diinta Islaamka, kuwaasoo sixi kara imaamka haddii khalad qur’aan akhrin ah soo wajaho ama xitaa badeli imaanimadiisa hadii ay u cadaato inta uu salad tujinayo inuusan weeso qabin tusaale ahaan.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %