Daawo Video ay muddo todobaad ah daawadeen ilaa labo milyan ruux * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Video ay muddo todobaad ah daawadeen ilaa labo milyan ruux

Mareeg.com: Muuqaal laga qabtay Khabiir caafimaad oo reer Vietnam ah, isagoo toos uga hadlayey wareysi looga qaadayey TV ayaa waxaa muddo ka yar 1 todobaad ah daawaday 1.7 Milyan (Hal Milyan iyo todobo boqol oo ruux).

Waxa muuqaalkaas xiisaha u yeelay ayaa ah: In khabiirka caafimaad uu si deg deg isag tuuray mobile-kiisa oo soo dhacay, isagoo hawada toos ugu jira oo TV-ga laga daawanayo.

Markii taleefoonka gacanta ee uu watay soo dhacay ayuu si deg deg ah jeebkiisa hoose uga soo saaray, wuxuuna si xoog ah ugu tuuray dhulka, iyadoo la maqlay shanqartiisa xooga leh markii uu dhulka ku dhacay.

Khabiirkaani ma muujin wax shaki ah, mana isku mashqullin inuu Mobile-ka codka ka xiro ama damiyo sida inta badan ay dadku sameeyaan markii ay uu telkoodu kusoo dhaco meel aan munaasab aheyn, ee dhulka ayuu deg deg ugu tuuray.

Gabadha wariyaha ah ee wareysiga ka qaadeysay ayaa iyaduna muujin wax la yaab ah, waxeyna si caadi ah u sii wadatay su’aalo weydiinta khabiirkaas caafimaad.

Dhaqtarka ayaa markii ay arritaani qabsatay ka sheekjeynayey daadad horay ugu dhuftay dalka Vietnam.

Halkaa Daawo muuqaalka khabiirkaas iyo sida uu isu maareeyey markii Mobile-ku soo dhacay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!