DAAWO:-Trump Oo Laga Duubay Cajal Kale Oo Qarsoodi Ah — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DAAWO:-Trump Oo Laga Duubay Cajal Kale Oo Qarsoodi Ah

Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah oo ay ka duubtay Trump.

Cajalkan oo cod ahaa oo laga sii daayay taleefishinka NBC ayaa laga maqlay cod u eg kan Trump oo haweenaydan Omarosa Manigault uu kula hadlayo, kuna leeyahay “mQofna iima sheegin arrintan”, isaga oo ula jeeda in iyada shaqada laga eryay maalin ka hor.

 

Riix Halkaan si aad u Daawato Muuqaalka

 

Haweenaydan ayaa soo saaraysa buug xusuus qorkeeda ah, waxayna kaga hadlaysaa waxyaabihii ay kala kulantay Aqalka Cad.

Trump oo isniintii fariin soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa dhaleeceeyay haweenaydan, wuxuuna sheegay in ay eedeysay kaliya markii iyada shaqada laga eryay, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay in ay tahay qof aanan karti lahayn.

Garyaqaanka Trump ninka lagu magacaabo Rudy Giuliani ayaa sheegay in laga yaabo in haweenaydan ay sharciga jabisay maadaamaa ay duubtay wada sheekeysi sir ah.

Omarosa Manigault iyo Trump ayaa is bartay xilligii uu daadihiyaha ka ahaa barnaamijka The Apprentice, waxayna sidoo kale la taliye uga noqotay arrimaha Afrikaanka Amerika xilligii ololaha doorashada 2016-kii.

Ma ahan markii ugu horeysay oo cajal sir ah laga duubo Trump, lagana baahiyo warbaahinta.

 

 

Xigasho BBC

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!