
muqdisho (Mareeg News) Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin ka gudbiyay Gudoomiyahooda Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari.
mooshinkan oo xili hore war suuqeed ahaa ayaa Saakay soo If Baxaday in mooshinkan Run ahaa tirada xildhibaanada taageersan mooshinkan aad u badantahay.
Tirada Xildhibaanada ku kacsan Gudoomiye Jawaari.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warqaad.com ayaa sheegaya in xildhibaano gaaraya 125 ay taageersan yihiin mooshinka.
Xildhibaanadan oo intooda badan ka tirsan Xisbiga Daljir iyo sidoo kale Damu-jadiid ayaa la ogaanayaa iney xilka ka qaadaan Gudoomiye Jawaari.
Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in Xildhibaanadii Kutlada Horu-socod ay sidoo kale qeyb ka yihiin mooshinkan.
Mashquul xoogan ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyadoo mooshinkan ka dhanka ah Jawaari uu xaalada ku adkeeyay madaxda kale ee DFS.