Daawo Sida quruxda leh ee looga ciiday magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo Sida quruxda leh ee looga ciiday magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norwey

Iyadoo maanta ay tahay Maalintii 1aad ee Ciidul-Adxaa ayaa waxaa Muslimiinta ku nool Magaalada Tromsø oo ay Soomaalida qeyb ka tahay waxa ay ku dukudeen Salaaddii Ciidda gudaha hoolka weyn ee Tromso Hallen oo ku yaalla Magaalada Tromsø waxaana isugu yimid hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaaladani.14291743_829928283816014_881078308943117760_n-2 14291743_829928283816014_881078308943117760_n 20160912_101306 20160912_104742 20160912_104746 20160912_113025

Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan ee loogu debaaldegayo munaasabadda Ciidda waxaana sidoo kale isu soo baxay dhammaan Odeyaasha,Waxgaradka,Dhallinyarada,Haweenka iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.

Qeybahqa kala duwan ee Bulshada ayaa farxaddooda la wadaagay dhammaan Ummadda Islaamka ee ku nool daafaha adduunka iyagoo ka dalbday qof kasta oomuslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan caruurtooda.

Culumaa`udiinka Magaalada Tromsø ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneenta Munaasabadda ceynkaan oo kale ee Ciidda maadaama ay malaayiin muslimiin ah soo guteen waajibaad xajka iyagoo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay u duceeyaan dalkooda si uu u noqdo wadan xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsaneyn.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!