Daawo: Sida qarax u halakeeyey gaadiid daweyne oo marayay wadada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo: Sida qarax u halakeeyey gaadiid daweyne oo marayay wadada Afgooye

Mareeg.com: Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhimatay qarax Ismiidaamin ah oo shalay galab Alshabaab ka geysteen deegaanka Xaawa Cadi oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Noah ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka ammaanka deegaanka Lafoole, Cabdiraxmaan Xasan.

Weerarkaas oo lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa khasaare ba’an gaarsiiyey gaadiid shacab oo wadada marayey, iyadoo ay gubteen ilaa labo gaari oo nuuca gaadiidka dadweynaha ah.

Labada gaarigan oo Soomaalida u taqaano Hoomey ayaa ah kuwa ka shaqeeya Muqdisho iyo Gobolada, waxaana mid ka mid ah uu waday qudaar iyo raashin, halka midka kalena ay dad kor u dhaafayay 20-ruux saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa burbur weyn soo gaaray gaari ay wateen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. lamana oga khasaaraha gaaray ciidamadaas.

Qaraxan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegay Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inuu ahaa mid ay ugu aargudayeen hoggaamiyihii laga dilay ee Axmed Godane.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay qaraxii maanta ku dileen saraakiil isugu jiray Mareykan iyo Koonfur Afrikaan, kuwaasoo uu xusay inay tababar ku siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee goobta ku dhamaaday ay dileen ciidamada AMISOM oo rasaas xoog leh furay kadib markii qaraxa lala beegsaday, hase ahaatee waxaa muuqata in labada gaari ee shacab ay gubteen.

Hadaba halkaan ka daawo saxariirta shalay galab ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi

Mareeg Media

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!