Daawo: Senetor Muno Cumar Oo Ciil lahadli kari weysay “Waa in Itoobiya lagu daraa go’aanka uu Aqalka Sare dalka uga eryay Shirkada DP World (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 44 Second

Muqdisho (Mareeg News ) Senetor Muno Cumar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanaka Somalia, ayaa aad u dhaliishay talaabada ay Xildhiabaanada baarlamaanka ku caburinayaan shirkada DP World iyo Somaliland.

Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo u muuqatay mid taageersan Heshiiska Berbera ayaa aad uga soo horjeesatay in laga dodo Heshiiska Berbera.

Waxa ay Xildhibaanadu ololo wakhti qaatay ku bixisay sida loo dib dhigi lahaa dooda, hase ahaatee waxa ay carro kala duldhacday Xildhibaanada kale ee meelmarinaayay go’aanka DP World looga eryay guud ahaan Somalia.

Muno Cumar Xasan, waxa ay sheegtay in kursiga ay ku fadhiso ay ku mataleyso Somaliland, isla markaana dooneyso in leysku soo dhawaado, hase ahaatee waxaa haddalka iyo qeyla dhaanta Muno aan dhag jalaq usiin Xildhibaanada kale oo aad uga careysnaa falka ay ku kaceen Somaliland iyo DP World.

Senetor Muno Cumar Xasan, waxa ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku tilmaantay inay yihiin kuwo aad u caadifeysan isla markana u taagan in mar waliba lagu degdego go’aanada horyaal.

Waxa ay Muno Cumar Xasan dood u muuqata mid ka ilmeysiisay ka keentay sababta dowlada Ethiopia looga reebay doodaha laga qabo Heshiiska DP World, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in go’aanka uu Aqalka Sare ku taageeray baarlamaanka Somalia ay tahay mid mugdi badan ku jira.

Muno Cumar Xasan, oo u muuqata mid il meyneysa ayaa  aad u dhaliishay go’aanka ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku taageereen laalida Heshiiska Dekadda Berbera, waxa ayna dalbatay in la cadeeyo sababta doodaha ka dhashay Heshiiska looga saaray dowlada Ethiopia.

https://youtu.be/pDOxSB1Iby8

28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.

Mar haddii xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka, xilligaasi wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona fulinta in dalka laga eryo DP World.

Sawirada Sanatar mouno

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %