Daawo sawirro laga naxo oo muujinaya qaraxyadii Alshabaab ka geysteen Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sawirro laga naxo oo muujinaya qaraxyadii Alshabaab ka geysteen Muqdisho

Muqdisho: Habeen hore waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxyo xoogan, kuwaasoo geystay khasaare aad u xoogan oo isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo bur bur dhismayaal ka ag dhowaa halka qaraxa ka dhacay ee agagaarka Taaladii SYL.

Qaraxan ayaa ka dhashay gaari kuwa xamuulka ah oo si aad ah looga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka Taalada SYL, waxaana uu dumiyay dhismayaal uu badankood dhulka soo dhigay.

Dhismayaal ku yaallay Inta u dhaxeysa Gurigii Hooyooyinka illaa ilinka Madaxtooyada ayaa dumay, waxaana ka mid ahaa guryo ku yaalay Ex Fiyoore, guryo ku yaalay Barxada iskaashatooyinka iyo guri ka fogaa halka qaraxa ka dhacay.

Ka sokow dhismayaasha uu bur buriyay qaraxa waxaa uu god ka qoday bartamaha laamiga, waana arrin aad dadka u hadal hayeen.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in gaariga qarxay uu siday tan dhan 200Kg waxyaabo qarxa ahaa, isla markaana uu aad uga xooganaa qaraxii Hotelka Jazeera ee sanadkii hore lagu weeraray.

Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in qaraxaas aanu bartilmaameedkiisa uusan gaarin, isla markaana ay dhici laheyd khasaare intaa ka badan, waxaana ciidamada ay toogteen dabley hubeysan oo isku dayday in markii qaraxa dhacay inay Hotelka galaan.

Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku soo qoray inay ka dambeeyaan qaraxan, waxaana qaraxan ku dhintay illaa 15 ruux dad kor u dhaafay oo ay ku jiraan askar iyo dad shacab ah oo qaarkood firirada ugu tagay guryahooda iyo kuwo wadada marayay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!